Shirweynihii sadexaad ee xisbiga ucid oo la soo gabagabeeyey iyo qodobadii ka soo baxay | somaliweekly news

By admin
Published: January 5, 2012

HARGEISA (SOMALIWEEKLY)   A – GO’AAMADII KASOO BAXAY SHIRWEYNIHII 3AAD EE XISBIGA UCID

1- XISBIGA CADDALADA IYO DARYEELKA ( UCID ) MARKUU ARKAY XAALADA QALAFSAN EE DALKU KU JIRO XAGA NABADGELYADA,DHQAHAALAHA ,IYO SIYAASADEED IYO BULSHABA WUXUU UGU BAAQAYAA MADAXWAYNE AXMED MAXAMED MAXAMUUD SIILAANYO INUU QABTO SHIR WADA TASHI QARAN SI LOOGA WADA HADLO  LOOGANA YEESHO SIYAASAD MIDAYSAN ARIMAHAA INAGU SOO FOOL LEH

2- INLA ADKEEYO NABAD GALYADA IYO MADAXBANAANIDA SOOMALILAND

3-IN AY XUKUUMADU  LATIMAADO SIYAASADII DALKA AY KU HOGAAMIN LAHAYD ISLA MARKAASNA LA MIDEEYO HANAN SOCODKA XUKUUMADA OO HADDA IS DHEXYAACSAN

4-INUU MADAXWEYNUHU UU ILAALIYO DISTOORKA DALKA IYO SHURUUCDIISABA IS LA MARKAANA LA KALA SAARO SHARCI DEJINTA IYO XUKUUMADII OO ISKU MILMAY SI LOO HELO ISKU DHEELI TIRAN AWOODEED (CHECK AND BALANCE) SIDA DISTOORKA JAMHUURIYADA SOMALILAND KU QEEXAN

5- IN MAAMULKA SOOMALILAND LAGU FIDIYO DHAMAAN DEEGAAMADA SOOMAALILAND

6-IN QABYAALADA IYO MUSUQMAASUQA BAAHAY OO AH DILLAAGA QARANIMO IN LA JOOJIYO

7-IN CADDAALAD DARRADA IYO EEXDA KU BAAHDAY DALKA LASOO AFJARO

8- WUXU XISBIGA CADDAALADA IYO DARYEELKU (UCID) MADAXWAYNAHA SOMALILAND  KU BOORINAYAA INUU KU SOO CELIYO XUKUUMADIISA INUU ADKEEYO GA’OANKII GOONI ISU TAAGA SHACBIGA SOMALILAND OO AAD HADDA MOODID INUU MUGDI BADANI SOOO GALAY SIYAASADDII ARIMAHA DIBADA EE SOMALILAND SHACBIGII SAAXIIBADA SOMALILANDBA UU SHAKI WAYNI SOO KALA GALAY

B- WAXA KALE OO UU SHIRKU ISKU RAACAY GO’AAMIYAYNA UNA CODEEYAYNA IN LAKALA SAARO JAGADA GUDOOMIYAHA XISBIGA IYO JAGADA MUSHARAXNIMADA MADAXWEYNAHA SOOMAALILAND OO HORE U MIDAYSNAAN JIRAY

1-WAXA KALE OO UU SHIRKU ISKU RAACAY UNA CODEEYAY AWOODNA U SIIYAY HOGAANKA SARE EE XISBIGA IN LA BANEEYO JAGOOYINKA GUDOOMIYE XIGEENKA 3AAD,4AAD,IYO JAGADA XOGHAYAH GUUD IYO 50 XUBNOOD OO GOLAHA DHEXE AH

2- WAXA KALE OO UU SHIRWEYNUHU ISKU RAACAY IN TIRADII JAGOOYINKA KU-XIGEENADA GUDOOMIYAHA  LAGA DHIGO 4 XUBNOOD HALKII AY HORE UGA AHAAN JIRTAY 3 XUNOOD

3-WAXA KALE IOO LAYSKU RAACAY IN GUDIDA FULINTANA LAGA DHIGO 45 XUBNOOD HALKAY 33 XUBNOOD KA AHAAN JIRATAY

4- GOLAHA DHEXANA LAGA DHIGO 181 HALKUU KA AHAA 151 XUBNOOD

C- WAXA SHIRWEYNAHA LAGU DOORTAY LAGUNA ANSIXIYAY JAGOOYINKAN SOO SOCDA:-

  • GUUDOOMIYAH XISBIGA UCID

ENG FAYSAL CALI WARAABE

  • GUDOOMIYE KU-XIGEENKA 1AAD EE XISBIGA UCID

MD AADAN JAAMAC HOORI

  • GUDOOMIYE KU-XIGEENKA 2AAD EE XISBIGA UCID

MD CABDIXAKIIM GARAAD-MAXAMUUD CALI SHIRE

  • GUDOOMIYE KU-XIGEENKA 3AAD
  • KU-XIGEENKA XOGHAYAHA GUUD EE XISBIGA UCID

MD CABDINAASIR YUUSUF CISMAAN (QODAX)

D- SHIR GUDOONKA MADASHA SHIRWAYNAHA 3AAD

  1. MAXAMED XASAN KHAYRE
  2. MAXAMUUD CALI JIIR
  3. C/NAASIR YUUSUF QODAX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *