307

Boorama(somalilandeye+Bnn)munaasabad  Si heer sare loo soo agaasimay ayaa maanta lagu gudoonsiinayay Agoonta ku jirta Xarunta way nee agoomaha ee Kaalmo ee magaalada borama  Deeq iskugu jirta Xoolo nool noool iyo lacag , deeqdan ayaa waxaa soo diray ururkan dhalinayarada ah ee Awdal/Salal brothers Meriland iyo vergina. Ururkan ayaa waxa ay tahay deeqdii saddexaad ee ka timaada  iyada oo jirtay dhawr gooro hore oo ay soo gaadhsiiyeen xaruntan iyo xarunta kale ee dhagoolayaasha.
alt

Munaasabadan lagu wareejinayay deeqdan ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka kala socday Bulshada rayidka iyo mas’uuliyiin  ay ka mid yihiin  Xidhiidhiyaha Qurba jooga iyo Gudaha ahna Gudoomiyaha Shirkada Telesom  ee gobolada Awdal iyo Salal,hadana ka gudoomiye ah ururka wadaniga ah ee wadooyinka ARNA. waxaa kaloo goobjoog ka ahaa xubin ka socotay ururkan deeqda soo bixiyay oomagaciisa la yidhaahdo C/laahi , waxa kale oo goobjoog ka ahaa  Mas’uuliyiin ka  socotay ururka KAALMO oo kala ahaa Wasiira  cabadi Xabashi iyo  Aasiya Cabdi Kuwaas oo lagu wareejiyay lacagtii iyo xoolihiiba.

Xoolaha iyo lacagtaba agoontan ku jirta xaruntan waxa ay xiligan utaraysaa wax wayn maadaama lagu jiro maalmihii laga farxin jiray Dadka Masaakiinta ah.’

alt



Dhinaca kale dhaliyaradan ka soo jeeda goboladan ee is xilqaamay waa Da’yar ubaahan in lagu daydo , maadaama dadka ka soo jeeda goboladan ayna ahayn oo qudha dad meel qudha jooga laakiin aduunka dacaladiisa ayay joogaan , hadaba ururkan waa urur ku dayasho mudan ,waxayna madan yihiin in reer awdal/salal kuwa jooga dalka iyo dibada ay umahadnaqaan dadaalaka biliaadanimo ee ay had iyo jeeraale ku fikirayaan.’

alt

Dhinaca kale waa ururka Qudha ee aan illaa hada aan arko iyaga oo bulsho tabaalaysan waxtaraya, iyagana waxaan odhan lahaa waad ku mahadsantihiin waana bilow fiican oo aad wado fiican dadyawga ka soo jeeda goboladan aad ujeexdeen, siina kordhiya dadaalkiina illaahay ayaa ini garabgali , waxaana jirta baahiyo badan oo aan ahayn oo qudha Agoon, laakiiin waxa jira caafimaadkii, waxbarashadii iyo kuwa kale oo fara badan. Markaa Da’yarta Awdal/salal broths waxaan leenahay much thanks.

alt

 

Reporter:jaabir Ali Omer

Borama(Bnn)

]>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *