Nin gumoobay

NIN GUMOOBAY!!

WQ: Ibraahin Yuusuf Axmed
[email protected]

Juun, juun, juun. Qofka bisha juun Iswiidhan soo
galaa wuxuu moodayaa janno. Kaymuhu cagaaranaa!
Dhirtu dhaadheeraa oo qurxoonaa! Dhulku doog iyo
ubax badanaa! Maxaa balli iyo haro galac leh! Maxaa
tog iyo webi meel walba qulqulaya! Magaaladu
nadiifsanaa oo degganaa.
Labaatanka bisha juun oo ay qorraxdu diirran tahay
ayuu Rooble soo galay Iswiidhan. Wuxuu
dalandalinayey qoyskiisa oo ka kooban xaaska Hodan
iyo laba ilmood, Ismahaan oo lix jir ah iyo Axmed oo
afar jir ah. Waa afartan jir miyi ku barbaaray
tobankii sano ee u dambeeyeyna ahaa askari bilays
ah. Riyadiisa ugu fog uguna weyni waxay ahayd mar
uun in uu reerkiisa nolol ku filan u helo, mar uun
in uu gaadho heer uusan cuntadooda, arradbeelkooda
iyo hoygooda ka welwelin. Riyadiisa kale ee muhiimka
ahi waa in uusan mijintiisa qaadka ah iyo sigaarka
waayin. Toddobadii sano ee uu reerka lahaa
arrimahaas wuxuu ku helayey silic iyo saxariir.

Maalintii uu naftiisa iyo reerkiisaba Iswiidhan u
dhiibay iyo maalintii la siiyey sharcigii
degganaanshaha waxaa u dhexeeyey oo keliya saddex
toddobaad. Waxaa loogu daray aqal cammiran oo afar
qol ka kooban. Haddii bil walba la siinayo lacag tii
askarinnimada kumannaan goor ka badan dhib kuma aha
isaga iyo xaasku in ay sidii laba ilmood aroor walba
boorso dhabarka saartaan oo dugsi afka dalka lagu
barto u jarmaadaan. Lacagta caydha loo yaqaan oo ay
dadka dalka u dhashay ceeb laga xishoodo u arkaan
reer Rooble mushahar ugama duwana. Lacagi sow lacag
uun ma aha? Waxa loo dhididaa sow in lacag la helo
uun ma aha? Aqalka uu dhex fadhiyo iyo waxa dhex
yaal ee telefeeshin, armaajo, qaboojiye, fadhi
debecsan, sariiro ka sii debecsan, iyo alaab kale oo
badan haddii uu Soomaaliya joogo weligii ma heleen.
Wuxuu xasuusan yahay aqalkii jiingadda ahaa ee uu
sannadihii dambe ku noolaa, kaas oo xilliga kulaylka
foorno noqon jray marka roob da’ayana la moodi jiray
in madaafiic lagu duqaynayo.

Bilawgii ayey arrintu sidaas ahayd, hayeeshee xaalku
wuxuu xumaaday markii uu Rooble cid shaqo u dirataba
waayey. Markii uu afka wax ka bartay wuxuu ku
dadaalay in uu shaqo helo, laakiin wax guul ah kama
gaadhin. Berigii uu Soomaaliya joogay wuxuu maqli
jiray ”carabta waxaa laga helaa shaqo askarinimo
ah”, markii uu bilayska Iswiidhan shaqo noocaas ah u
doontayna waaba lagu qoslay. Boqollaal kale oo
soomaali ah oo aan subax kallihin ayuu bartay,
dabadeed niyaddii shaqo raadintu waxay ku shiiqday
eber. Biilkiina habartii bixin jirtay waxay bilawday
bahdilid. In uu xafiis hebel warqad ka keeno,
sababta uu shaqo u waayey, waxa uu muddadii la oo
dhaafay qabtay iyo hadaltiro la mid ah ayey marka uu
masruufka u doonto kala hor timid. Qalbijab iyo
niyadxumo ayaa dhan walba ka soo weeraray.
Waxa uu reerku bisha helo saddex inood oo la isla
yaqaan ayaa loo qaybiyaa: in lagu noolaado, in la
xawilo, iyo in uu odaygu qaadka iyo sigaarka iskaga
bixiyo. Waxii aan intaas ahayn ee faro dhexdood ka
baxa muran badan baa ka dhasha, eeddana waxaa yeesha
qaadka ama dharka dumarka. Qaadka halkan yaal qaad
uun ma aha ee waa qaali aan weliba laga haqab
la’ayn. Waxaa ka sii daran in uu mamnuuc yahay oo
lala dhuunto. Si kasta ha ahaatee Rooble noloshii uu
ku riyoon jiray tani kama foga. Laakiin adduun hawli
kama dhammaato, marka hir la gaadhaba mid kale ayaa
hira. Dhaqammada iyo diimahan cusub ee uu ku dhex
nool yahay wuu ku diiqadoodaa, mustaqbalkana wuu ka
baqaa. Wanaagsanaa qof nabaddan iyo noloshan
dalkiisa ku helay. Wuxuu xasuustay heestii geela ee
ahayd:
meel bur cawsa leh
oo biyo u dhow
baadi doonyoo
biciidkuba waa

Sabtida iyo axadda carruurta wuxuu geeyaa dugis
qur’aan, yartiisana markii ay toddoba jir gaadhay
ayuu xijaab kurka ugu daboolay. Isaguna wuxuu
bilaabay salaad aan cabsi Eebbe ahayn ee cabsida
dunida ah. Haddii uu Alle ka cabsanayo wuxuu iska
dayn lahaa qabyaaladda, xanta, xasadka iyo qaadka.
Xaaska wuxuu ku dirqiyey in ay tukato oo xijaabato
ka dib markii uu arkay ama maqlay naago dabagaab
qaatay oo gaambiyaan iyo caddaan gacanta qabsaday.
Intaas ayuu qoyskiisa beloxijaab uga dhigay. Dunida
wuxuu ugu neceb yahay naagaha ay Hodan telefoonka
kula sheekaysato marna booqato ama iyagu soo booqda.
Xataa waxaa ku jira kuwo caddaan ah. In kasta oo uu
jecel yahay in ay guriga fadhido, haddana aad ayuu u
neceb yahay telefeeshinka iyo waxa daran ee ay ka
daawato sida Glamour, Dallas, Rideriet iyo waxa la
midka ah.

Rooble ma oga in uusan isku heli karin xaaska in uu
guriga ku hayo iyo in ay ahaato qalanjadii
dhuubnayd. Waa taas jeer la egaatay ka dib markii ay
nolosheeda ku koobtay kijada, telefeeshinka iyo
sariirta. Isla markaa gurifadhigu kama hor joogsan
in ay u fekerto una dhaqanto sida dumarka kale.
Durba waxay caado ka dhigatay haddii ay wax isku
khilaafaan in ay tidhaahdo: ”Jaalle, halkani waa
Iswiidhan”. Ujeeddadeeda si fiican buu u fahamsan
yahay. Wuxuu yaqaan rag gurigoodii laga eryay oo
debedyaal ah iyada oo qiil looga dhigtay weedhaas
habaarka qabta.
Marka ay carruurtu sii korto, xaasku sii ilbaxdo,
isaguna sii weynaado Rooble waxaa ku sii bata cabsi
iyo welwel. Habeenno dhawr ah ayuu ku riyooday isaga
oo gaboobay oo guryaha raqayaha lagu tuuray (guryaha
dadka da’da ah lagu xanaaneeyo). Habeenno kale wuxuu
ku riyooday bilays loogu yeedhay oo aqalka ka
saaray. Habeenno kale wuxuu ku riyooday iyada oo
intii uu maqnaa albaabka furaha laga beddelay,
markii uu garaacayna laga furi waayey oo debedda
baraf ku helay. Sidaas oo ay tahay gurigiisu guryaha
uguma khilaaf badna ee isaga ayaa sheydaan wadnaha u
galay.
* * *
– Naa Ismahaan, waa maxay waxa aad gashan tahay? Ha
ku bixin sidaas ee wax dhaama qaado.

Sidaas ayuu Rooble maalin maqlay xaaska oo
curaddooda siddeed iyo toban jirka ah ku leh.
Ismahaan oo albaabka ka sii baxaysa ayuu kor u eegay
mise waxay gashan tahay maro lawyaha joogta oo
faraqyo leh sidii ay dhul xanan badan adhi ku
raacday. Hadalka hooyadeed dheg uma ay jalaqsiin
juuqna uma celin ee waa ay iska baxday. Dhanka kale
ayuu eegay mise waxaa taagan Axmed oo lix iyo toban
jir ah. Isaguna waa kaas funaanad habacsan oo ta
hooyadii ka sii weyn iyo wax surwaal u eg oo miskaha
hoos uga siibtay ku dhex jira. Waa kaas faraha biro
cadcad ku taxay, qoortana gashaday kuul leh
midabyada calanka xabashida iyo silis carrabkiisu
yahay khariidadda Afrika oo iyaduna leh isla midabka
hore. Timaha in uu jaro ama shanleeyo diid oo wuxuu
u raamaystay sidii qof waalan. Waqti baas dheereeyaa
muxuu xiimayaa! Dadkani miyaanay ahayn labadii
shalay caydiga ahaa?
– Waar Axmed, maxaa siliska iyo kuusha kuu xidhay ma
dumar baad tahay? Isla yaab oo waxa iska bixi.
Surwaalkan xun ee kaa dhacayana iska tuur oo wax ku
la’eg gasho.

– Aabbe wuu i la’eg yahay.
– Wuu i la’eg yahay? Haddii uu ku la’eg yahay muxuu
kaaga dhacayaa?
– Sidaas baa loogu talogalay.
– Bal wax uu ku hadlayo dhegaysta! Sidee loogu
talogalay ma in uu kaa dhaco?
– Ma iga dhacayo dee.
– Waar ma iga dhacayo lahaane waxa iska beddel dibna
yaanan kuugu arkin. Timahan xun ee lagu moodo qof
waalan iyagana galabta iska soo jar. Ma i maqlaysaa?

Axmed wuu xanaqay oo inta uu qolkiisa irridka
xidhay muusig cirka ku dallacay. Muusig lama moodo
ee waa buuq, sawaxan iyo qaylo badan oo ka soo
baxaya dad aan laga garan waraabayaal raq kala
boobaya. Rooble hore ayuu wiilkiisa ugala quustay
waxaas dhegaysigooda in uu iska daayo. Maba noolaan
karo haddii uusan habeen iyo maalin dhegta ku hayn.
Marka uu ku canaanto: ”Waar bal maxaa heesihii
afkaaga kuu diiday?” yarku calaacasha gacanta oo ay
faruhu fidsan yihiin inta uu sidii neef ragaaday
hoos u laallaadiyo ayuu ku jawaabaa: ”Waxaas
waqtigoodii waa dhammaaday”. Haa, wuxuu la mid yahay
hooyadiisa caadaysatay ”jaalle, halkani waa
Iswiidhan”.
Guriga Rooble waxaa ka bilawday gadood uu wax badan
maskaxda ku hayey. Waxaa bilawday amardiiddo toos
ah. Carruurtu waxay af cad ugu sheegeen ”dad waaweyn
baanu nahay ee ha na xukumin”. Islaantuna waxay ugu
digtay ”diktatoornimadaada waan ku daalay ee cagaha
iga dhig”. Taa waxaa xigtay dhirbaaxo kulul oo Hodan
indhaha ka cuskatay. Dabadeed afar habeen iyo
afartoodii maalmood ayuu Rooble debedwareeg ahaa oo
cid kale dulsaar ku ahaa ka dib markii bilaysku
qadaadka qabtay oo aqalka debedda uga tuuray. Dad
soomaaliyeed oo samodoon ah ayaa ku guulaystay in ay
reerka isku soo celiyaan. Isla markaa Rooble waxaa
lagula taliyey run ahaantii halkani in ay tahay
Iswiidhan sidaa darteed uu gacantiisa fudaydka ka
ilaaliyo.
Sannad kale ayuu Rooble rabbaayad ahaa oo waxa
gurigiisa ka dhacaya ismoogaynayey. Run ahaantii
inta badan habeenkii ayuu soo hoyan jiray maalintii
oo dhanna wuxuu ka murmi jiray kulammada fadhi ku
dirir ee ay dadka qabyaaladda ku waashay ku kulmaan
iyo aqallada lagu qayilo. Labadaas meelood ayuu
xubin firfircoon ka noqday marka laga reebo jimcaha
gelinka hore oo uu masjidka u badnaa.
* * *
Maalmahan inta uu guriga joogo dhegihiisu waxay
maqmaqlayeen hadallo ku saabsan Ismahaan oo
hadalhaysa in ay noqonayso wax ay ku sheegtay
”fotomodeel”. In ay sida Iimaan iyo Weris u caan
bixi doonto, oo lacag iyo magac yeelan doonto. Wuxuu
maqlayey in ay tijaabadii koowaad ka gudubtay. Waxaa
maskaxdiisa ka soo miirmay kuna soo xoomay
sawirradii ku kaydsanaa kuna saabsan waxa ay yartu
ka hadlayso. Naago dhaadheer oo qaawanaan u dhow,
kuwaas oo si aan dabiici ahayn isu jejebinaya, oo
dad iyo kamardo badan hor marmaraya ayuu xasuusta ka
arkay. Curaddiisu ma noocaas ayey rabtaa in ay
noqoto? Naxdin, baqdin iyo niyadxumo adduun oo dhan
ayaa soo weeraray. Maxaad yeeshaa? Dhulka loo
daloolida ma dishaa? Iyo weliba walaalkeeda heeryada
xun? Iyo xataa habaarqabtada dhashay? Maya, maya
Rooble, mashaqada caqli ku xalli.
– Ismahaan, sow ma ogid waxa aad sheegaysid in ay
diinta iyo dhaqanku diidayaan? Sow ma ogid in ay
ceeb iyo sharafdarro inoo keenayso? Sow ma …
– Maya ee ma ogi, waxaanse og ahay faqrigu in uu
ceeb iyo sharafdarro yahay. Bal arag nolosha aad
raali ku tahay. Caydh baad ku nooshahay annagana
nagu korisay, haddana shaqo lacag iyo magac lagu
kasbado ayaad ceeb ku sheegaysaa.
– Haddii aan caydh idinku koriyey maxaan idinka
hagraday? Dhulkeenna markii aynu joognay dhididkayga
ayaan idinku quudin jiray ee dhulkan qalaad cid
shaqo ii oggol ma aragtay? Waa maxay magaca
qaawanaan laga kasbadaa? Noloshuse lacag uun ma aha
ee sow in aynu wax kale xeerinno ma aha? Sow in aynu
waxa uu qaddarku inoo qorsheeyey ku qanacno ma aha?
– Adigu haddii aad ku qanacsan tahay ku jir, laakiin
anigu nolol xun oo aan ka bixi karo kuma qancayo.
Cabbaar ayuu muran dusha ka qabow hoostana dab kaga
baxayo la sii waday. Sida uu u xanaaqsan yahay
haddana isu dejinayo isaga iyo Ilaahay uun baa og.
Iyada uun uma xanaaqsana ee waxaa kaga daran habarta
jaan oo intii ay gabadheeda u caqlicelin lahayd
xumaanta ku dhiirri gelinaysa. Labadaba waxaa kaga
daran Alle qabayga walaalkeed ah ee aad mooddid in
aanu reerka ka dhalan. Goorma ayaa la arki jiray
wiil sharafta walaashii xil iska saara! Maalmahan
ayuuba u daran yahay oo sidii gabadh guurdoon ah
dhegaha dalooshaday oo waysaaqyo ka lulay.
Rooble sidii uu doodda u dejinayey ayey mar keliya
jiman ku dikadeen, wuxuuna is-arkay isaga oo nabar
daydayanaya. Maya, iskaga dhex bax. Albaabka ayuu
boobay, wax yar ka dibna wuxuu ka murmayey fadhi ku
dirikii uu macmiilka ka ahaa, si uu balaayada
haysata isu illawsiiyo.
Miiska uu fadhiistay wuxuu u doortay laba fadhiyey
oo ay iscaayi jireen. Waxay haysteen sheeko deggan,
markii uu salaamayna inta ay si qabow uga qaadeen
ayey sheekadii sii wateen. Maantana meesha uu ka
weerari doono wuu ka soo fekaray, ereyada uu sida
xabbadaha ula dhici doonana wuu soo urursaday. Intii
shaaha uu dalbaday loo soo siday labada kalena
sheekadooda gaarka ah gunaanadayeen wuxuu isku
madaddaaliyey warqado kuwa wax lagu xayaysiiyo ah oo
miiska saaran. Laba baal oo aan macno lahayn markii
uu rogay kii saddexaad wuxuu kala kulmay arrin ay
indhihiisu diideen maskaxdiisuna rumaysan wayday.
Waxaa ku sawiran Ismahaan oo aan calal naasaha kaga
maran iyo mid gumaarka kaga daboolan mooyee aan shay
kale korkooda saarnayn. Malaha iyadii ma aha? Wallee
waa qudheedii! Rooblow magacaa ba! Tanina ma kuu
dambaysay!
Wadnaha ayaa garaaca xoojiyey oo shaqada dedejiyey.
Sidii qof aad u soo orday ayey neef culusi iska
gurtay. Dhidid qabow ayaa dhan walba uga qubtay.
Wejiga waxaa ka fuushay labeen guuldarro, caddaankii
indhuhuna wuxuu isu rogay xinjir. Wuxuu mooday dadka
makhaayadda jooga oo dhami in ay farta ku soo wada
fiiqayaan oo ku qoslayaan. Laakin labaataneeyada qof
ee meesha fadhiyaa si aan lagu aqoon ayey hoos u
wada hadlayaan oo degganaanta soomaaliba lama moodo.
Illeen maantaba sheeko iyo qosol aan qaawanaanta
Ismahaan ahayn lama hayn. Warqadihii uu sawirku ku
yaallay inta uu si dhuuban isugu laabay ayuu la
kacay, oo isaga oo aan shaahii cabbin lacagna ka
bixin albaabkii uu ka soo galay dib uga baxay.
Ma warwareegin ee gurigii ayuu isku sii daayey.
Labadii dumar ahaa oo fadhiga isugu hambalyeynaya
sawirkii edebta darnaana dhabta ku haysta ayuu u
galay. Dhirbaaxo aad u xooggan oo aan xataa qof la
neceb yahay loo quudhin ayuu Ismahaan oo kicid u
hoollatay dheg iyo dhafoor ku fujiyey. Iyada oo
dalanbaabi ah markii ay dhulka ku dhacday ayuu
damcay in uu dul tago oo sii garaaco, laakiin
hooyadeed ayaa gacmo waaweyn haddana itaal daran
kala hor timid. Iyadiina dhirbaaxo tii hore ka daran
ayuu ku masaxay, waxayna ku dul dhacday yartii oo
weli daadsan. Feedh, dhirbaaxo, laad, jilib iyo wax
kasta uu awoodo ayuu labadii qof isu daba mariyey.
Iyaguna intaa waa ay qaylinayaan, oo qaniinyo iyo
xagtin intii tabartood ah isugu hiilinayaan.
Rooble wuxuu ku miyirsaday katiinad labadible ugu
giigsan iyo koox bilays ah oo ku hareeraysan.
Debedda ayaa loo saaray, intii dumarka dacwadda laga
qorayeyna isaga waxaa lagu hayey baabuurka bilayska
gudihiisa. Sagaal bilood oo xabbis ah ayaa lagu
xukumay, iyo in uusan weligii reerka agtooda iman.
Markii uu xabsiga dhammaystayna waxaa la dejiyey
aqal gooni ah.
* * *
Rooble maanta waa shan iyo konton jir cimri degdegay
oo toddobaatan jir la moodo. Wax cudur ah iskuma oga
haddana wuxuu dareemayaa tabardarro aan xad lahayn.
Qaadkii iyo sigaarkii wuu sii laba jibbaaray,
haddana dukashadii wuu sii badiyey. Qabyaaladdii iyo
murankii wuu ka sii daray, haddana waano iyo hadal
waayeel ayuu soo kordhiyey. Habeen isaga oo cabbaar
dan la’aan iyo niyadxumo la soo guureeyey ayuu
damcay in uu furo albaabka gurigii cidlada ahaa ee
uu degganaa. Dabadeed furayaashii ayaa dhulka kaga
dhacay. Wuu soo qaaday oo mar kale damcay in uu
furo, haddana waa ay ka dhaceen. Markii saddexaad ee
ay ka dhaceen ayuu giddigii ku dul dhacay, wuxuuna
bilaabay oohin. Murugo iyo caloolxumo ku gaaxday
ayaa mar keliya ku wada godladay. Gammuunno oofaha
kaga taagnaa uu u adkaysan jiray ayey waabaydoodu
mar keliya jidhkiisa iyo naftiisa wada gaadhay.
Sidii awr dhuunyeedhis ah ayuu cod naxdin leh oo
foolxun sii daayey kaas oo dhismaha oo dhan laga
wada maqlay.
Habar Iswiidhish ah oo albaabka kiisa ku beegan ku
jirta ayaa daloolka ka eegtay, waxayna markiiba
wacday bilayska iyada oo leh: ”Albaabkayga waxaa
jiifa neygar sakhraansan ee kaalaya iga kaxeeya”.
Laakiin ma ahayn neygar sakhraansan. Wuxuu ahaa nin
soomaaliyeed oo ahaan jiray geeljir aad isula weyn,
mar kalena ahaan jiray xiddigle bilays ah oo
naftiisa u hanweyn. Wuxuu ahaa nin gumoobay oo ka
mid ah ummad gumowday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *